“Xaaf wuxuu quusan oo uu is-dhiibi doonaa marka ay mucaaradka baxaan”

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in la iska himaamay wadahadalkii la doonayay in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sidii khilaafkaasi loo dhameyn lahaa, laakiin madaxweyne Xaaf uu noqday shaqsiga wadahadalka uu ka socon waayay.

Wuxuu ku eedeeyay in marka howsha isku dhawaato uu la xiriiro xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda ee Jooga Muqdisho, kuwaasi oo badalaya aragtidiiisa dib u heshiisiinta, sida uu hadalka u dhigay.

Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Galmudug ayuu sheegay inay ka war sugayaan go’aanka dowladda Soomaaliya ay arintaan ka qaadaneyso.

“Mar walbaa go’aanka dowladda ayaan ka war sugeynaa, annaga wax walbaa waan kaga tanaasulnay Xaaf Waana kaga tanaasuleynaa, laakiin Xaaf marka heshiis la gali rabo wuxuu u gacan haatinayaa dadka mucaaradka ku ah dowladda oo xaaladda kusii dheelaya”.

“Marka Mucaaradka meesha ka baxaan ayuu Xaaf Quusan doonaa isna dhiibi doonaa, waana sugeyna waqtigey noqotaba”ayuu yiri Carabeey.

Xiisadda ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug ayaa sababay in labo guddoomiye baarlamaan iyo labo madaxweyne uu yeesho maamulka Galmudug, kuwaasi oo saldhig ka kala dhigtay Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com