Gaas oo looga yeeray Addis Ababa & Xulafeysiga Ethiopia oo si rasmi ah u bilowday

Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kadib markii ay u yeertay Dowlada Ethiopia.

Gaas, oo goordhow gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu wadaa in halkaa uu kulamo kula yeesho Madaxda ugu sareysa Ethiopia oo waayadan uu xiriir xumo kala dhexeeyay Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Maxamed C/llahi Farmaajo.

Mas’uuliyiinta uu la kulmi doono Gaas, ayaa waxaa la sheegay inay kamid yihiin Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Tedrso Adhanom, Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda iyo Wasiiro dhowr ah oo ay kawada hadli doonaan arrimaha Somalia, gaar ahaan Siyaasada cusub.

Qodobada ay sida gaarka ah uga wada hadli doonaan ayaa la xaqiijiyay inay kamid yihiin Xiriirka sii naxuusaya ee Ethiopia kala dhexeya Somalia, Kaalinta kaga aadan Puntland, Dhismaha Xukuumada cusub iyo in la helo dhinacyo garab u noqonkara Ethiopia si ay dib ula soo laabtaan xiriirkii kala dhexeeyay Somalia.

Gaas ayaa waxaa sidoo kale laga wareysan doonaa qodobo kale oo ku xeeran natiijada kasoo baxday kulamada gaarka ah ee uu la qaatay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo maalmihii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Uyeerida C/wali Gaas ayaa ah mid aan sidaa loo sii shaacin waxaana la filayaa in magaalada Addis Ababa uu ku sugnaan doono ilaa Seddex maalin waa haddii aan isbedel ku imaan qorshaha safar ee Gaas.

C/weli Gaas ayaa safarkiisa Addis Ababa kadib u safri doona dalka Imaaraadka Carabta isagoo kulan la qaadan doona Madaxda dalkaasi oo iyaguna uu xiriir xumi kala dhexeeyo Dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo.

Dowladaha Ethiopia iyo Imaaraadka ayaa xusul duub ugu jira sida ay ku kala dhantaali lahaayen Siyaasada cusub ee Somalia, waxa uuna ujeedkoodu yahay inay ku dhexmilanto arrimaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com