Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo bilaabay xeelado cusub oo ay u dagayaan musharixiinta xil raadiska ah

Muqdisho (Caasimada Online)- Sida aan warbixinadii hore idinkula wadaagnay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa soo gabagabeeyey la tashiyadii uu la sameenayey oo uu la sameenayo  xildhibaanada kala matalo beelaha Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa cod buuxa ka helay beelaha kala duwan ee Soomaaliya markii ay fasax u siiyeen go’aanka soo magacaabista golaha wasiirada sidoo kalana ay u ballan qaadeyn inay la shaqeyn doonaan dadka uu soo magacaabo.

Haddaba waxaa soo baxday arrin cusub oo ku aadan in Xafiiska Ra’isu\lwasaaraha iyo kanmadaxweynaha ay laba waji oo kala duwan ku qaabilayaan musharixiinta raadinayo jagooyinka wasiirada ee lasoo magacaabo rabo.

Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ka wado kulamo uu la yeelanayo kooxo iyo shaqsiyaad u abaabulan qabiil qabiil iyo musharixiinta doonaya inay kamid ah ahaadaan golaha wasiirada cusub, wuxuuna Ra’isulwasaaraha xoogga saarayaa dhanka kooxaha iyo qabiilada waxaana meesha aad ugu yaraatay doorka Musharixiinta.

Kheyre ayaa ujeedkiisa koowaad yahay inuu raadiyo taageerada beelaha Soomaaliyeed si uu wasiiradiisa kalsooni ugu helo oo aan lagu celin.

Dhanka kale Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa aad loogu soo dhaweenayaa shaqsiyaadka isku soo sharaxayo jagada wasiirnimo waxaana la faryey inay tariikhda nololeedkooda iyo codsiyadooda geystaan xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Arrintaas laga wado xafiiska Madaxweynaha ayaa keentay in ilaa 350 codsi la geeyo xafiiska Ra’isulwasaaraha waana arrin uusan dalban Ra’isulwasaaraha Soomaliya waana midda ugu weyn ee shakiga gelisay siyaasiyiintii tagay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Musharixiinta xil raadiska ah ayaa hadda muujinayo walaac iyo shaki ku aadan arrintaas waxayna u arkeyn inay tahay khiyaano iyo kaarto cusub oo loo dagay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com