Maxaa ka jiro inuu Jawaari Kaalin weyn ku leeyahay magacaabista Golaha Wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa weli socdo ololaha loogu jiro magacaabista golaha wasiirada cusub ee la filayo inuu dhawaan ku dhawaaqo Xasan Cali Kheyre.

Haddaba warar hoose oo heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari uu lug weyn ku leeyahay magacaabista golaha wasiirada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay soo jeedin ku aadan shaqsiyaad uu ku sheegay inay yihiin kuwa mudan in loo magacaabo wasiiro wuxuuna liiskaas u gudbiyey Xasan Cali Kheyre.

Jawaari ayaa Kheyre u sheegay inuu shaqsiyaadkaan kusoo doortay howlkarnimo iyo inay yihiin kuwa u qalma xilal wasiir wuxuuna  u sheegay inay yihiin shaqsiyaadka kasoo bixi karo Shaqooyinka loo diro.

Liiska uu gudbiyey Jawaari ayaa la sheegay inay qaarkood yihiin kuwa kasoo garab shaqeeyey madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud wuxuuna caqabad kala kulmi karaa madaxweynaha Soomaaliya oo aan rabin inay wasiirada kasoo muuqdaan shaqsiyaad lasoo shaqeeyey dowladdii hore.

Liiska uu Jawaari wato ayaa waxaa ku qoran ilaa 6 shaqsi oo qaarkood ay yihiin isku beel waxaana laga war sugayaa go’aanka uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ka qaadan doono soo jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com