GAAS oo safar maaro looga la’ yahay iyo Puntland oo yaaban

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey magaalada Garowe 23 May, 2016 ayaa Wararka ay sheegayaan in la filayo inuu dalka dibadda uga dhoofo maalinta Sabtida ah.

Wararka ayaa sheegaya in Gaas safarkiisa ku wajahan yahay dalka Imaraadka Carabta iyadoo la filayo inuu gaaro magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraadka Carabta maalinta Sabtida.

Safarka Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa imaanaya xilli xaalad dhaqaale xumo ka taagan tahay Puntland taasoo sababtey gadood ay sameeyeen ciidamada Asluubta Puntland.

Gaas ayaa safaradiisa uu kaga ambabaxo Puntland noqdeen kuwo joogta ah iyadoo la rumeysan yahay in culeys ba’an ku hayaan misaanayada dowlada islamarkaana caqabad ku ah xalinta arrimaha siyaasdeed, dhaqaale iyo amni ee ka taagan mandaqadaa waqtigaan.

Safaarada uu kaga dhoofay Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa bilihii ugu dambeeyey:

  • Madaxweyne Gaas ayaa dib ugu soo noqdey Bossaso isagoo ka soo noqdey caleemo saarkii Ismaaciil Cumar Geele 10 May, 2016
  • Madaxweyne Gaas oo dib ugu noqdey Bossaso kadib markii uu ka noqdey Safaro uu ku tagey dalka Ethiopia iyo Sucuudiga 30 April, 2016
  • Madaxweyne Gaas ayaa u ambabaxey magaalada Muqdishu 7 April, 2016 isagoo halkaas kaga qayb galey shirarkii madaxda Somalida
  • Madaxweyne Gaas oo u dhoofey dalka Ethiopia 16 Feb, 2016 isagoo uga sii gudbey dalka Mareykanka kaasoo qaatey ilaa 21 March,2016.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa baajiyey kulan madaxda Somalida ku yeelan laheyd magaalada Garowe kaasoo dhici bishaan dabayaqadeeda.

Warar aan la xaqiijin ayaa dhinaca kale sheegaya in Sabtida May 28,2016 Madaxweynaha Puntland uu tagayo magaalada Muqdishu kagana qayb galayo kulanka madaxda Somalida kadib halkaas uga soo ambabaxayo wadanka Imaraadka Carabta.

Kulankaan ayaa sida aan wararka ku heleyno magaalada Muqdishu lagu qabanayaa maalinta Sabtida ee ku beegan 28 May, 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com