Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Ururka IGAD uu Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ku amray in safar degdeg ah ugu diyaar garoobo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.
Sharmaarke ayaa lagu wargaliyay in socdaalkiisa ay ku wehlin doonaan Xubno ka tirsan IGAD, waxaana la soo sheegayaa in socdaalkaasi uu hirgali doono maalinta Sabtida ah ee fooda nagu soo heysa.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Gacanta ku haya Maamulka Ahlusunna, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha ay sida rasmiga ah uga wada hadlayaan Wafdiga Ra’isul Wasaaraha, IGAD iyo Ahlusunna Waljamaaca.
Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in IGAD ay dooneyso doorashada ka hor in la xaliyo Khilaafka DFS iyo Ahlusunna, waxa uuna socdaalka Sharmaarke yahay mid salka ku haya tiro gaar ah oo loo qorsheeyay Ahlusuna in laga siiyo Baarlamaanka cusub.
Shirarka dhici doona maalinta sabtida ah Natiijadooda ayaa lagu wadaa in la heli doono maalinta Axada ah, waxa uuna Sharmaarke iminka u diyaar garoobayaa socdaalkiisa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.
Dhanka kale, waxaa socdaalka Sharmaarkr iyo IGAD qeyb ka noqon doona mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee DFS.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

