25.3 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Boorsaani oo xilal ku taxay dad aan Af-Soomaaliga qori aqoon

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) uu xilalka ugu muhiinsan ee Gobolka Banaadir u magacaabay dhalinyaro ay qaraabo yihiin oo ay ku adag tahay qorista Soomaaliga.

Mid kamid ah howlwadeenada Xafiiska Guddoomiyaha ayaa inoo xaqiijiyay in dhalinyarada uu xilalka u dhiibay qaarkood ay ehel la yihiin kuwaasi oo ku dhib qaba gudbinta warbixin maalmeedka ee lagu diyaariyo Soomaaliga.

Waxa uu intaa ku daray in qoraalada looga baahan yahay dhalinyaradaasi ay diyaariyaan dhalinyaro kale kuwaasi oo loogu tallo galay in lagu daboolo ceybaha soo wajihi lahaa dhalinyaradaasi qaraabada la ah Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in dhalinyaradaasi ay shaqada maamulka ku biireen tan iyo markii xilka Gobolka Banaadir loo magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Xarumaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa kaalinta koowaad ka gashay Xarumaha kale ee dowlada marka loo eego qaabka shaqaaleysiinta oo ah Qabiilka, waxaana ku yar dadka aqoonta u leh howlaha shaqo.

Si kastaba ha ahaatee, Fashilka ugu weyn ee heysta Dowlada Somalia ayaa ah dhalinyarada Aqoonta leh oo laga shaqo galiyo shaqooyinka ugu liito, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhalinyarada aqoonta leh ay yihiin kuwo ka shaqeeya Xafiisyada waaweyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News