30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Siilaanyo oo guri cajiib ah ka iibsaday Magaalada Dubai

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Golaha Wakiilada maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo uu magaalada Dubai ee dalka isutaga imaaraadka ka iibsaday Guri dhawaan loo ogolaaday inuu dhisto.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in iibsashada iyo dhismaha Gurigaasi ay Siilaanyo ku qaadatay muddo Sanad iyo Seddex bil oo xiriir ah.

Madaxweyne Siilaanyo, Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kasoo jeeda Dalka Imaaraadka ayaa May 08 2016 booqday gurigaasi oo ku yaalla Bartamaha magaalada Dubai, kaasi oo u dhigma laba boos oo isku furan ah.

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa beeniyay hadalkaasi inkastoo uu si maldahan uu u sheegay in wax ay jiraan balse qaabka loo sheegaya uusan aheyn.

Wasiirku waxa uu sheegay in Siilaanyo uu awood u leeyahay in Imaaraadka uu ka iibsado guri, balse iminka uusan jirin wax guri ah uu dalkaasi ka iibsaday.

Haddal heynta ugu badan ee iminka ka taagan magaalada Hargeysa ayaa ah in Axmed Siilaanyo uu Hantida maamulka ku tegri falaayo isaga oo u xuubsiibanaaya in magaalada Addis ababa uu guri kale ka iibsado.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News