Gaas oo shaaciyay go’aanka Puntland kaga aadan la shaqeynta Farmaajo

Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee Bosaso, ayaa ka hadlay Doorashada Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Hogaamiyaha maamulka ayaa sheegay in Guusha Farmaajo ay Puntland uga dhigan tahay Guul, waxa uuna tilmaamay in si dhow ay ula shaqeyn doonaan Dowlada cusub.

Hogaamiyaha wuxuu sheegay in Puntland ay kalsooni ku qabto Madaxweynaha Cusub ee la doortay, Maxamed C/llahi Farmaajo, wuxuuna cod dheer ku sheegay in Puntland ay ku qasban tahay inay garab boodo Farmaajo iyo Dowladiisa.

Doorashada ka dhacday Somalia ayuu sheegay inay aheyd mid loo baahan yahay isla markaana ay mar waliba yihiin kuwo taageersan isbedelka ka curtay Somalia.

Hogaamiyaha wuxuu kaloo uu sheegay in maamulka Puntland ay diyaar u tahay inay wadashaqayn dhow la yeelato Madaxweynaha cusub iyo Ra’isul Wasaaraha uu soo magacaabi doono.

”Isbedelka ka dhacay Somalia waa mid kheyr qaba oo loo baahnaa waxaan ka Puntland ahaan xaqiijineynaa inaan wadashaqeyn dhow la yeelan doono Dowlada cusub”

Hogaamiye C/wali Gaas, ayaa hadalkaani sheegay xili uu maanta ka degay magaalada Boosaaso, waxaana xusid mudan inuu kamid ahaa Hogaamiyayaasha maamulada ee la kulmay Madaxweynaha cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com