Midowga Yurub oo digniin culus u dirtay Madaxweynaha Mareykanka

Nairobi (Caasimada Online)-Midowga Yurub ayaa digniin culus u diray Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump kadib markii la sheegay inuu ku fogaaday faragalinta Siyaasada Yurub.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini, ayaa sheegtay in maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu kasoo talaabayo xadka, waxa ayna ka digtay inuu kusii fogaado faragalinta muuqata.

Federica Mogherini, ayaa hadalkaani sheegtay iyadoo ku sugan Washington, DC, waxa ayna cod dheer ku sheegtay inay xadidi doonaan xad dhaafka uu wado Madaxweyne Trump.

Federica Mogherini ayaa tiri ”Midowga Yurub ma faragaliyo Siyaasada Mareykanka waxaan dooneynaa in Trump uu joojiyo faragalinta uu ku hayo Siyaasadeena”

”Ma aqbali doono in Maraykanka uu faragaliyo arrimaheena waa in Trump uu ku ekaada arrimaha Mareykanka oo uusan sameyn faragalin muuqata”

Trump ayaa maalmo un ka hor inta uusan la wareegin Xafiiska sheegay in Brexit ay tahay talaaba muhiim ah islamarkaana Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ay aheed caqli wanaagsan.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini, ayaa hadalka Trump ku sheegtay mid lagu sii kala fogeynaayo Yurub waxa ayna ku goodisay inay qaadi doonaan talaabo lagu faragalinaayo Siyaasada Mareykanka waa haddii aan faragalinta laga joojin.

Talaabadaani ayaa muujineysa mid carro galisay Midowga Yurub, kadib markii Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini, ay sheegtay in Mareykanka uu kusii fogaanaayo Siyaasada Yurub.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com