Sawirro + Video: Sidee ayuu u dhacay kulankii Farmaajo iyo Xasan?

Mogadishu (Caasimada Online)- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulankii saacadaha qaatay ee Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa gaaray Xarunta Villa Somalia iyadoo aan loo xirin wax wado ah, waxaana xiliga uu wadada Makka Al-mukarama maraayay garab socday gaadiidka shacabka oo aan la dareensiinin wax dhibaato ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa amnigiisa sugaayay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamada AMISOM uu diiday inay galbiyaan.

Kulanka oo saacado qaatay kadib ayaa waxaa ku biiray Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Madaxtooyada Somalia kuwaa oo la kala baraayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Farmaajo.

Waxyaabaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Isbedelka, Xil wareejinta iyo arrimo kale oo ku saabsan dhismaha Dowlad kaafisa dhammaan shacbiga Soomaaliyeed.

Intaa kadib Madaxweyne Farmaajo ayaa indha indheeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha Villa Somalia iyo xafiisyada ay ka kooban tahay ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Madaxtooyada.

Gudaha bishaani ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo lagu wareejiyo xilka, si loo dardar galiyo howlaha Qaranka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa looga fadhiyaa inuu magacaabo Ra’isul wasaaraha dalka si loo soo dhiso Xukuumada Somalia, ee bedeli doonta Xukuumadii hore ee iminka dhacday.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray: ” Madaxweynaha cusub ee J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa igu soo booqday Madaxtooyada, oo maalmo ka dib si rasmi ah igala wareegi doona xafiiska”.

Xasan Shiikh oo ay ka muuqatay jaceyl iyo farxad ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha cusub waxayna kormeer ahaan usoo mareen qeybaha ay ka kooban tahay madaxtooyada.

Sidoo kalana wuxuu soo dhigay muuqaalka soo dhaweynta madaxweynaha cusub uu u sameeyey waxaadna ka daawan kartaa qeybta hoose ee warbixintaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com