Maxay guusha Farmaajo uga dhigan tahay maamulka gobolka Banaadir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka siyaasadda odoroso  waxay kuu sheegayaan in siyaasadda wadanka ay isbadashay sidoo kalana laga yaabo inay is badalaan madax badan oo uu horey u magacaabay Madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Wararka ugu badan ee dadka Muqdisho is waydiinayaan waxa ay tahay muxuu farmaajo ka yeeli doonaa madaxda Gobolka  Banaadir ee uu horey u magacaabay Xasan Shiikh Maxamuud.

Siyaasadda horey ayaa loo yiri saaxiib joogta ah malahan  ee dan joogta ah ayey leedahay, habenkii la doortay Farmaajo wuxuu kulan deg deg ah isugu yeeray taliyaasha ciidamada iyo Madax kale waxaana ka mid ahaa dadkii meesha looga yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Yuusuf waa hoggaamiye wax badan ka badalay Gobolka Banaadir sidoo kalana hadda ku howlan dayactirada wadooyinka qaar oo lagu dhisayo lacago ay dadka shacabka iyo ganacsatada bixiyeen.

Sidaas oo ay tahay haddana waxaa la saadaalinayaa inuu xilkaasi weyn doono maadaama horey loo bartay in madaxweyne kasta isbadal ku sameeyo Madaxda Gobolka Banaadir taasoo loo micneeyey inayn tahay inuu madaxweyne kasta rabo inuu meesha keeno dadka isaga ku siyaasad ah oo ku shaqeeyo maamulkiisa.

Midse ogow haddii Yuusuf uu noqdo nin ku shaqeeyo siyaasadda Madaxweynaha cusub iyo Kooxdiisa waxaa laga yaabo inuu meesha sii joogo inkastoo markasta uu kamid ah yahay haraadigii xasan Shiikh Maxamuud.

Yuusuf Markii uu Farmaajo kula kulmayey Hotelka Jazeera qaar kamid ah dadka ku dhaw dhaw Farmaajo ayaa xaqiijiyey inuu ka muuqday Guddoomiyaha biseel siyaasadeed iyo inuu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub.

Amarkii ugu horeeyey oo uu Farmaajo u gudbiyey guddoomiyaha Wuxuu ahaa inuu dhagxaanta iyo carada lagu xiray jidadka muqdisho laga qaado taasoo u muuqato in la fuliyey inteeda badan inkastoo ay jiraan jidadka qaar oo lagu arkayo haraadiga dhagxaantaas.

Waxaa soo baxayo inay jiraan siyaasiyiin kamid ah dadkii u ololeenayey Farmaajo oo doonayo inay xilkaas qabtaan ila markaasna ay meesha ka saaraan Yuusuf.

Siyaasadda malahan cago ay hal meel ku taagnaato wax badan way is badali karaan wax badana way sii socon karaan waxaana laga war sugayaa sida uu noqdo xiriirka dhexmarii doono madaxweynaha cusub iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com