Qadkii cagaarnaa ee Gaalkacyo oo dib usoo noqday iyo rasaas ka bilaabatay suuqa

By Asad Cabdullahi Mataan

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka Caasimadda Online ay ka heleyso Magaalada Gaalkacyo ayaa tibaaxayo in Magaalada ay dib u kala xirmartay markii saakay suuqa magaalada kala qeebiyo laga maqlay rasaas dhex martay labadii ciidan ee isku hor fadhin jiray iyadoo la tilmaamay in aysan rasaastaan ka dhalan wax qasaaro ah.

Ciidamadaan kasoo kala jeeda labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayey ka dhex bilaabatay rasaas kooban oo aysan ka dhallan wax qasaaro ah waxaana sidaas dib ugu soo laabtay qadkii cagaarnaa ee magaalada kala gooyey muddo ka badan 25 sanno kaasoo si lama filaan ah u furmay markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Dad shacab ah oo aan laheyn wax dhago ah ayaa wadadaan kala xireysay Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo furay markii la doortay madaxweyne Farmaajo.

Qaar ka mid ah ganacstada suuqa oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin inuu dib usoo laabto qadkii cagaarnaa.

Magaaladaan ayaa u kala qeybsan dhinac ay maamusho Galmudug iyo dhinac ka amar qaadato Maamul Goboleedka Puntland.

Caasimadda Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com