Muxuu Jibriil ka aaminsan yahay madaxweynaha cusub, mase la shaqeyn doonaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Jibriil Ibraahim Cabdulle wuxuu ka mid ahaa musharixiintii sida aadka ah looga cabsanayey inuu kusoo baxo doorashada Soomaaliya balse ma dhicin sidaas weliba wuxuu ka galay liiska meesha ugu hooseeyo codadka ay heleen musharixiintii tartamayey.

Haddaba markii ugu horeysay ayuu ka hadlay sida uu u arko doorashada ka dhacday Soomaaliya iyo madaxweynaha cusub wuxuuna ku tilmaamay inuu Farmaajo yahay muwaadin jecel dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa, wax badana qaban kara haddii ay shacabkiisa garab istaagaan.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waa muwaadin lasoo tijaabiyey oo dalkiisa samata bixin kara, wuxuu niyeysan yahay hal qaran wuxuuna gaarsiin karaa dalka meeshaa aan rabnay ee aheyd in laga baxo kala qoqobka iyo kooxeysiga, waana taageersnahay sidoo kalana waan la shaqeyn doonaa” ayuu yiri Jibriil oo saxaafadda la hadlayey.

Dhanka kale Jibriil ayaa shacabka Soomaaliyeed usoo diray codsi ku aadan inay si dhab ah ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya isla markaasna ay dhinacooda ka qabtaan dowladnimada usoo dilaacay Soomaaliya.

“Waxa aan isku soo sharaxnay oo aan raadineynay waxay aheyd inuu dalka helo isbadal dhaxalgal ah, waana la helay, yeysan na dhaafin fursadaan qaaliga ah, cid kasta oo Soomaali ah dalka iyo dibadada halaga shaqeeyo in guusha la ilaaliyo”. Ayuu hadalkiisa kusii daray.

Sidoo kale Jibriil ayaa u mahadceliyey mudanayaasha labada aqal ee dalka oo uu ku sheegay inay yihiin muwaadiniin daacad ah oo si dhab ah uga jawaabay guuxa shacabka.

Caasimadda Online

Xafiisma Mogadishu

Caasimada@live.com