Muqdisho oo lagu khaarijiyay nin ku qeyla dhaaminayay Farmaajo guul

Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Yaaqashiid lagu dilay mid kamid ah Taageerayasha Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dilka Marxuumka ayaa yimid kadib markii ay isqabteen ruux kale oo kasoo horjeeda Guusha Madaxweynaha cusub Maxamed C/llahi Farmaajo.

Marxuumka la dilay ayaa ku qeylinaayay ‘Farmaajo Guul’, waxaana arrintaasi u adkeysan waayay ruuxa dilka geystay waxa uuna ku dhuftay rasaas degdeg ah.

Ruuxa dilka geystay ayaa la sheegay inuu aad uga xumaa Guul darida Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, halka Marxuumka la dilay uu ku celcelinaayay in Farmaajo uu yahay Madaxweynaha Somalia.

Goobjooge ayaa sheegay in Marxuumka lagu dhuftay ilaa 5 Xabadood oo is xigxigtay, waxa uuna tilmaamay in dilaaga uu goobta ka baxsaday dilka kadib.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo ka socday dabaaldegyo lagu taageerayay Madaxweyna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com