Sawirro + Wareysi: Ar Farmaajo ii geeya oo la kulmay Farmaajo, kadibna hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa caawa Magaalada Muqdisho ku qaabilay ninkii dhalinyarada ahaa, ee suuqa soo geliyay (Ar Farmaajo ii geeya).

C/laahi Maxamuud Cismaan (Daanyeerow) oo ka mid ah dhalinta ku dhaqan Magaalada Jowhar, ayaa habeenkii Arbacada ka qayb qaatay isu soo bax ay dadka reer Jowhar ku soo dhaweynayen guusha uu Madaxweynuhu ka gaaray tartankii doorashada madaxtinimada ee dalka.

C/laahi Maxamuud Cismaan, ayaa ka soo muuqday muuqaal teleefanka gacanta lagu qaaday, laguna baahiyay barraha bulshada, isagoo markaasi ku qaylinaayay (Ar Farmaajo ii geeya) iyo dhalin kale oo ka daba hoorineysay, isla-markaana leh (Waa laguu geynaa).

Dhinacyo kala duwan, ayaa gacan ka gaystay, sidii uu Madaxweynaha Somaliya ku qaabili lahaa C/laahi Maxamuud, waana tallaabo ku haboon hogaaminta dalka iyo dadkuba.

Ninkan dhalinyarada oo beeraley ah, ayaa sheegay in taageero uu u ahaa Madaxweyne Farmaajo, tan iyo markii uu Ra’iisal Wasaare ka ahaa dalka.

C/laahi Daanyeerow ayaa la hadlay kulanka kadib idaacada Dalsan ee Muqdisho

Halkan Hoose Ka Dhageyso Codkiisa