Xildhibaan sheegay in Soomaalida ay ka jeesteen diinta Islaamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa si adag uga hadlay habdhaqanka cusub ee Soomaalida.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dalka uu ka dhamaan la’ yahay dhibaato dhan waliba saameysay waxa uuna taa sabab uga dhigay Umadda Soomaaliyeed oo ka jeesatay Kitaabka alle.

Wuxuu sheegay in dalka uu hagaagi doono kaliya marka ay Umadda Soomaaliyeed dib usoo nooleeyaan alle ka cabsiga waxa uuna tilmaamay in inta badan Soomaalidu ay ka jeesteen diinta alle iyo kitaabkiisa.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay in dadka looga baahan yahay inay isku asxaan falaan si buu yiri uu alle ugu asxaan falo.

”Dadkii waxa ay lumiyeen alle ka cabsiga iyo tallo saaridiisa waxa ay maciin bideen in Beesha Caalamka ay gacanta u hoorsadaan halkii laga filaayay inay alle talada u dhiibtaan”

Dadka badankii ayuu sheegay inay ku mashquuleen danahooda gaarka ah, sidaa darteed loo baahan yahay inay usoo jeestaan alle ka cabsiga si dalka uu u hagaago.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ku baaqay in dadku is cafiyaan oo alle talo saartaan inta ay Beesha Caalamka ugu qeylo dhaamin lahaayeen.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in la taageero Dowlada Somalia si loo gaaro midow iyo isku duubni isla markaana looga baxo gacan u hoorsiga Beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com