Gaas oo war kasoo saaray duqeymaha xoogan ee loo geystay Daacisha-ta Somalia

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas, ayaa ka hadlay duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Buuraaleyda Galgala ee Puntland oo ay ku sugan yihiin Daacish.

C/weli Gaas, ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan duqeymaha lagu hayo Daacishta Somalia, waxa uuna tilmaamay inay dhabar jab ku noqon doonto maleeshiyaadka Daacish.

C/weli Gaas, waxaa uu sheegay in ay tahay arintaasi guul weyn oo u soo hoyatay maamulka Puntland, waxa uuna xaqiijiyay in Mareykanka ay ka filayaan duqeymo intaa kasii badan.

Wuxuu sheegay in duqeymaha ceynkaasi ah ay khasaaro badan u geysan doonto Daacish, maadaama duqeymaha si toosa loola beegsaday goobaha ay ku jiraan Horjoogayaashooda.

‘’Wey sii socon doontaa duqeynta waxaana rajeyneynaa in looga guuleysan doono Kooxda argagixisada ah ee isku uruursanaaya Buuraha’’

Sidoo kale, C/weli Gaas waxa uu tilmaamay in ciidamada Puntland ay xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Kooxdaasi si looga jilciyo heerka ay iminka gaarsiisan yihiin maadaama ay ku sugan yihiin dhexbartanka Buuraha.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu qiray in Puntland ay taageersan tahay duqeymaha ku socda Daacishta ku dhuumaaleysaneysa Buuraaleyda Galgala ee Gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com