Sacuudiga oo dalkiisa ka soo eryay Ethiopian-kii ugu badnaa abid oo sharci darro ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa dalkeeda kasoo tarxiishay in ka badan 1,300 muwaadiniin Ethiopian ah oo dalkaas ku joogay sifo sharci darro ah.

Muwaadiniintan Ethiopian-ka ah ayaa waxaa lagu qabtay howlgal ay dhawaan shaacisay dowlada Sacuudiga, kaa oo iminkaba ka socda dalkaas.

Sarkaal ka tirsan dowlada Ethiopia oo lagu magacaabo Demeke Atinafu ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga ay kala shaqeynayaan tarxiilka si muwaadiniinteeda loogu soo celsho.

Demeke Atinafu, oo u waramaayay warbaahinta FBC, ayaa sheegay in dawladdiisa ay soo dhaweyneyso dib usoo celinta Muwaadiniintooda.

Dowlada Ethiopia ayaa dhowr jeer heshiisyo musaafurin ah la gashay dowlada Sacuudiga, waxa uuna tarxiilkaani daba socdaa Heshiiskaas, waxaana fulinta Heshiiska leh taliska Riyadh.

Talaabadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay dowlada Sacuudiga kusoo musaafuriso Muwaadiniin tirro intaa la’eg oo u badan hal dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com