Xog: Xildhibaanada HirShabeelle oo ku kala jabay mooshin ka dhan ah Waare

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in Xildhibaanada maamulka ay ku kala jabeen Mooshin laga diyaarinaayay Hogaamiye Waare iyo Golaha Wasiirada ee uu magacaabay.

Mooshinka ayaa ka dhashay magacaabida Golaha Wasiirada waxaana lasoo sheegayaa in Xildhibaanada wada ay yihiin kuwo aad uga soo horjeeda Kuraasta ay ka heleen Golaha la magacaabay.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa ku andacoonaaya in Hogaamiye Waare uu ku fududaaday cadadka uu ka magacaabay Golaha Wasiirada kuwaa oo aan loo heyn miisaaniyad.

Xildhibaan Maxamed C/raxmaan Khayre ayaa kamid ah Xildhibaanada Mooshinka kawada Waare iyo Golaha uu soo magacaabay, waxa uuna aad uga soo horjeestay hanaanka loo maray magacaabista.

Waare ayuu ku eedeeyay inuu ka baxay balamo uu xildhibaanada la galay, waxa uuna wacad ku maray inay ka qaadi doonaan xilka uu iminka hayo.

Sidoo kale,  Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ayaa iyaguna aaminsan inay muhiim tahay in la kordhiyo tirada Wasiirada maadaama ay aad u badan yihiin beelaha degan HirShabelle.

Xildhibaanad Duniyo Daahir oo kamid ah baarlamaanka maamulka ayaa qabta in laga fiirsado Mooshinka looga soo horjeedo Hogaamiyaha iyo Wasiirada uu magacaabay.

Waxa ay Xildhibaanada sheegtay in xiligaan aysan wanagsaneyn mooshinka ay Xildhibaanada wadaan waxa ayna ku baaqday in baarlamaanka uusan noqon cida uu eersado burburka maamulka.

Duniyo Daahir waxa ay sheegtay in Maamulku uu yahay mid Cusub isla markaana Xildhibaanadu ay ka shiri doonaan si Maamulku uu wanaag waqtigiisa ku dhameysto.

Dhinaca kale, Xildhibaanada ku kala jabay Mooshinka ayaa suuragal ah inay horseedan khilaaf hor leh oo saameeya maamulka iyo Wasiirada cusub ee iminka la magacaabay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com