Gaas oo yiri hadal dareen ka abuuray Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo shacabka Gaalkacyo fariin u mariyay warbaahinta ayaa sheegay in Puntland ay mar kale aad uga xun tahay dhacdooyinkii ka dhacay Gaalkacyo.

Gaas waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ka dhacay Gaalkacyo uu dareensan yahay in si gaar ah ay u saameysay shacabka Gaalkacyo waxa uuna dadka shacabka ah ka dalbaday in laga cafiyo dhib waliba oo kasoo gaaray dhanka Ciidamada Puntland.

C/wali Gaas waxa uu tilmaamay in khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi uu la wadaagi doono shacabka islamarkaana uu gacan ka geysan doono la socodka dadka bukaanka ah iyo kuwa dagaalka ku burburay guryahooda.

Waxa uu ballanqaaday in Puntland ay waxbadan ka fiirsan doonto dagaal ay la gasho maamul daris la ah, kaasi oo uu sheegay inay ku daadaneyso dhiig badan.

Dhanka kale, Madaxweyne Gaas ayaa fariintiisa ula gol leh ka jawaabida cabashooyin kasoo yeeraya qoysaskii carruurtooda iyo hantidooda ku weysay dagaalka xalka laga gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdihso
Caasimada@live.com