Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirkii Muqdisho?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu soo afmeeray Shirkii looga Magac daray Dajinta Halbeega Mustaqbalka Soomaaliya,oo looga hadlay Mustaqbalka Soomaaliya ee Sanadka 2016.

Shirka oo ahaa mid diirada lagu saarayay Aayaha Somalia ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, Ra’iisul wasaare Cumar , Guddoomiyaha BFS, Hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Puntland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug, wakiillo ka kala socday gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Shirkan oo hal maalin ahaa furitaankiisa ayaa waxaa diirada lagu saaraayay waxyaabihii u qabsoomay Somalia lixdii bil ee lasoo dhaafay, tan iyo markii uu qabsoomay shirkii lixaad ee heerka sare ee waddamada iyo hay’adaha iskaashiga la leh Somalia.

Inta uu Shirka socday waxaa looga dhawaaqay barnaamijyo lagu sheegay Guul wade iyo Heegan oo lagu tayeenayo Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo sidii hormarkooda looga shaqeyn lahaa.

Shirka ayaa waxaa inta uu socday hadalo kooban ka jeediyay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka ee xubnaha ka ah Dowlada dhexe iyo Wakiil ka socday Beesha caalamka,kuwaasi oo dhamaantood qiray hormarka laga gaaray xaga siyaasada iyo amniga.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Madashan ay noqoneyso tii ugu horreysay ee ay kasoo qaybgalaan dhamaan madaxda dowladda federaalka Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira.

Iyadoo looga hadlay shirka siyaasadda, ammaanka iyo horumarka laga sameeyay barnaamijyada kale ee la xiriira cahdiga cusub.

Ra’isul wasaare Cumar oo la hadlay Saxaafada ayaa yiri “Shirka, waxaa looga hadlay arrimaha siyaasadda, Doorashada amniga, habka loo sameyn doono doorashada dalka dhici doonta sannadka 2016, dhismaha maamullada, dib u eegista dastuurka, isku dhafka ciidamada iyo qodobbo kale,”

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
bs1

bs2

bs3

bs4

bs5

bs6

bs7

bs8