Xog: C/Weli Gaas oo raali galiyay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya aqalka madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay halkaasi uu ka dhacay shir u dhexeeyay madaxeyne Xassan iyo C/wali Gaas.

Shirka ayaa ahaa mid u gaar ah labadaasi mas’uul, waxa ayna uga wada hadlaayen Dagaalkii gaalkacyo iyo hadaladii C/wali Gaas uu hawada u mariyay Xassan Sheekh.

Madaxweyne Gaas ayaa Xassan Sheekh u sheegay in xaalada Gaalkacyo ay iminka tahay mid degan, balse uu raali galin ka bixinaayo hadalkii ahaa in dagaalka gaalkacyo ay kaalin ka qaaten Ciidamada Dowlada.

C/wali Gaas waxa uu sheegay inuu ka duulaayay xiriirka C/kariin Gulleed kala dhexeeyay Xassan Sheekh, balse wakhti danbe uu kusoo baraarugay in dagaalka aysan ka qeybqaadan ciidamada Dowlada.

Waxa uu Gaas sheegay inuu ogaaday in ciidamada qaar ee dagaalka ku jiray ay u badnaayen kuwo maleeshiyaad xitaa aan hoostagin maamulka, waxa uuna farta ku goday inuu mar kale raali galin ka bixinaayo.

Kulanka Xassan iyo Gaas ayaa qaatay muddo dhowr saac ah, waxa ayna labada mas’uul isla jeex-jeexen arrimo farabadan oo ku saleysnaa dagaalka, shirka wadatashiga ee la filaayo in saakay uu ka furmo muqdisho.

Intaa kadib madaxweyne Xassan iyo C/wali Gaas ayaa midba midka kale ka raali galiyay Siyaasadii qalafsaneyd ee ka dhexeysay mudooyinkaani danbe.

Geesta kale, kulamada noocaani ah ayaa muujinaaya in madaxweyne Gaas uu kasoo dabcaayo ad adeegii hore ee uu u adeegsan jiray DFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com