Xog: Xasan oo lagu cadaadinayo in Gaalkacyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Xassan Sheekh Maxamuud uu Xafiiskiisa kulan aan caadi aheyn kula qaatay Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Xubnahaani ayaa la sheegayaa in Xassan Sheekh ay kala hadleen xaaladihii ugu danbeeyay ee Somalia, Guulaha laga gaaray colaadii Gaalkacyo, Amaanka iyo Horumarka Somalia.

Madaxweynaha ayaa qodob qodob ugu dulmaray xaalada guud ee Somalia, waxa ayna intaa kadib ku dheeraaden Colaadihii lagu soo afmeeray Gaalkacyo ee u dhexeeyay Galmudug iyo Puntland.

Xubnahaasi oo ka mahad celiyay sida ay DFS xalka u kala dhigtay Galmudug iyo Puntland, ayaa waxa ay dhanka kale Xassan Sheekh ugu baaqen inuu socdaal nabadeed ku tago magaalada Gaalkacyo oo iminka xaaladeedu degan tahay.

Waxa ay Madaxweynaha ku cadaadiyeen in booqasho uu Gaalkacyo ku tago ay lama huraan tahay, waxa ayna Ujeedka socdaalkaasi ku sheegen inuu muujinaayo in xal rasmi ah laga gaaray Dagaalkii maalmahaani socday.

Xassan ayaa la soo warinayaa inuu ka caga jiiday Socdaalkaasi, balse Xubnahaasi u ballanqaaday inuu muujin doono wadooyin kale oo uu Galmudug iyo Puntland ugu muujinaayo taageerida Heshiiska labada maamul.

Caga jiidka Xassan Sheekh ayaa ka turjumaaya Siyaasada cakiran ee wali kala dhexeysa Puntland, inkastoo aan la garankarin in go’aanka uu qaatay, markii laga soo tago caga jiidka uu ka muujinaayo socdaalka nabadadeed.

Arrintaani ayaa shaki hor leh abuureyso bacdamaa maalmo ka hor Madaxweyne Gaas uu warbaahinta ka sheegay in Xassan Sheekh uu dhaqaale ku bixinaayo dagaalka Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com