Shariif Xasan oo ka gudbay caqabad haysatay!!

Baydhabo (Caasimada Online)- Maamulka Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa soo dhameystiray dhismaha maamulkaasi oo u xayirnaa kaliya soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii saaka looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xildhibaanada ayaa gaaraya 89 xildhibaan kuwaasi oo laga soo kala xulay beelaha kala duwan ee daga deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ku dhawaaqida xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed oo ka dhacday magaalada Baydhabo waxaa ka qeyb galay xubno ka socday dowlada Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socday beesha caalamka.

Shariif Xasan Sheikh, ayaa waxaa caqabad xoogan uu kala kulmay soo xulista baarlamaanka maamulkiisa, waxaana dhibaatada ugu daran ay kasoo wajahday dhanka gobolka Bakool.

Qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka ee lasoo xulay ayaa waxay sheegeen iney ku faraxsan yihiin in laga gudbo caqabadii heysatay maamulka koofur galbeed ee aheyd dhismaha baarlamaanka.

Waxaa laga sugayaa xubnaha baarlamaanka iney soo dirtaan gudoomiyahooda baarlamaanka, maadaama howlo badan ay horyaalaan.

Caasimada Online
Xafiiska Baay
Caasimada@live.com