Sawirro: Gaas oo ciidan badan la tagay XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la soo warinayaa in wareegaani uu kordhistay ilaaladii ku wehlin jirtay socdaalada shaqo oo uu ku imaada magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas ayaa waxa uu safaradii hore Muqdisho la imaan jiray ku dhawaad 6 askari, balse waxa uu safarkaani la imaaday Ciidamo kor u dhaafay 25.

Ciidamadaani oo uu wato ayaa ku hubeysan qoryaha loo yaqaan AK47, waxa ayna si aad ah u xaqiijinayaan amaanka madaxweyne Gaas iyo wafdiga ku wehlineysa socdaalkiisa.

Ciidamadaani faraha badan ee la socda C/wali Gaas ayaa buuxiyay inta badan kuraasta Diyaarada, waxaana jiray tiro kaga soo horeysay magaalada Muqdisho.

Waxaa iminka si aad ah loo xaqiijiyay amaanka Villa Somalia waxaana kuwada sugan madaxda dalka iyo kuwa Gobolada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

2

3

4,

5

6