Sawirro: Xildhibaannada K/G oo la dhaariyay.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Baydhabo lagu dhaariyay 89 xildhibaan oo kamid noqon doona 95-ta xildhibaan ee uu yeelan doono Baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed ee Somalia.

Waxaa madasha dhaarinta ku sugnaa Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan, Wasiiro iyo qaar kamid ah Odayaasha Xildhibaanadaani soo xulay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Madasha ka jeediyay Khudbad gaaban oo uu kula dardaarmaayay Xildhibaanada Cusub ayaa sheegay in looga baahan yahay gudashada waajibaadkooda, islamarkaana laga filaayo in maamulka ay cadaalad ugu shaqeyn doonaan.

Waxa kale uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed looga baahan yahay inay soo dhameystiraan Xildhibaanada kale ee haray.

Odayaasha Dhaqanka ee ku mashquulsanaa soo xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa goobta ka sheegay inay wakhti badan geliyeen sidii Xildhibaanadan ay u soo xuli lahaayeen, kuwa harayna ay soo dhameystirayaan.

Dhinacooda Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanadaasi ayaa ballan qaaday in ay soo dhameystiri doonaan xubnaha kale ee ka harsan golahaasi wakiilada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
koon1

koon2

koon3

koon4

koon5

koon6