BFS oo dacwad heer caalami ka gudbiyey Affeey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa eedeymo kulul u jeediyay wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Somalia, Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Mudanayaasha eedeymaha jeediyay ayaa sheegay in DFS iyo Beesha caalamkuba ay la socdaan dhibaatada uu Afeey ku hayo Somalia, waxa uuna sheegay in Danjire Afeey uu dhowr jeer abaabul dagaal ka sameeyay Kismaayo.

Daahir Amiin Jeesow waxa uu sheegay in Afeey uu sabab u ahaa dagaalo ka dhacay Kismaayo oo ay ku dhinteen inkabadan 40 ruux, waxa uuna tilmaamay in ka shaqsi ahaantiisa uu aaminsan yahay in Afeey uu sabab u yahay burburka iminka ka taagan Somalia.

Waxa uu sheegay Daahir Amiin Jeesow in Afeey uusan xaq u laheyn inuu ka hadlo dhibaatooyinka taagan, waxa uuna sidoo kale tibaaxay in Danjiraha aysan daacad ka aheyn xalka uu ka dhex waday Galmudug iyo Puntland.

Jeesow ayaa sidoo kale ku eedeeyay Danjire Afeey in uu mas’uul ka yahay Xasuuqa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo isaga oo garab boodaayay Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Gaas.

Sidoo kale Jeesoow ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatada Dalka ka jirto uu doorweyn ka cayaaray isaga oo u kala dabqaadaya DFS iyo maamul Goboleedyada dalka.

Wuxuu tilmaamay in dacwad ka dhan ah Danjire Afeey ay u gudbiyeen Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee ICC taa oo la xiriirta dhibaatooyinka uu ka geystay Somalia waxuuna intaasi ku daray Jeesoow in go’aankii Xildhibaanada BFS ay ku kala direen Wakiiladii Baarlamaanka Jubaland uu aad uga xumaa Danjire Afeey.

Dhanka kale, waxa uu DFS ugu baaqay inay ka feejignaato arbushaada uu Danjire Afeey ka dhex wado Umadda Soomaaliyeed,waxa uuna ku baaqay in DF ay xiriirka u gabiso Afeey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com