Go’aanka laga filayo shirka ka furmaya Xamar.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Muqdisho ka furmi doono shirkii madasha wadatashiga Qaran ee looga arrinsanaayo nooca ay noqon doonto doorashada lagu wado in sanada 2016-ka ay ka dhacdo Somalia.

Dadaalka lagu furi lahaa shirkaani oo hadda ka socda magaalada Muqdisho, ayaa waxaa qeyb ka ahaan doono DFS, Maamul Goboleedyada dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Shirkaani ayaa waxaa diirada lagu saari doona 2 arrin oo midi ay tahay qaabka ay doorashada noqon doonto iyo qaabka ay ku imaan doonaan Xildhibaanada dooran doona Madaxweynaha cusub oo ay Somalia yeelan doonto sanada 2016-ka.

Shirkaani lagu wado inuu ka furmo Muqdisho ayaa noqon doona shirkii lagu shaacin lahaa nooca doorashada ee Somalia loo qaban doono sanadkaani fooda nagu soo haya.

Madaxda DF iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa u dhexeeya farqi aad u weyn, kaasi oo ku saleysan sida ay noqon doonto doorashada.

DFS ayaa dooneysa in doorashada ay u dhacdo qaab Baarlamaani islamarkaana ay iyada soo xusho Xildhibaanada codeyn doona iyadoo u kaashan doonta Odayaasha beelaha Soomaaliyeed.

Dhanka kale, maamulada ayaa iyagana kasoo horjeeda qaabka ay wax u dooneyso DF waxa ayna ku doodayaan in Xildhibaanada ay iyaga kasoo dhex xulaan Goboladooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com