Cabdi Qaasim oo ka hadlay dagaalkii Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C.qaasim Salaad Xasan oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan dalka Masara ayaa ka hadlay hishiiskii Gaalkacyo lagu gaaray ee lagu dhameeyay colaadii ka dhacday magaalada iyo dagaalka qasaaraha ka dhashay.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay marka hore in 20 sano kadib dagaalo ku saleysan qabiilka ay ka dhacaan gudaha dalka Soomaaliya oo uu sheegay in laga sugayo horumar ay dadkiisa gaarsiiyaan.

C/qaasim Salaad, ayaa tilmaamay sida maamulada Galmudug iyo Puntland waajibka kaga saaran yahay in markale magaalada aan lagu soo celin dagaalo ka dhaca, isagoo ugu baaqay iney adkeeyaan hishiiska ka dhacay magaalada.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday arimaha doorashada la filayo iney ka dhacdo dalka Soomaaliya, maadaama sanadka 2016 la filayo in la qabto doorasho ka duwan middii lagu soo doortay Xasan Sheikh Maxamuud.

Odayaasha Soomaaliyeed iyo baarlamaanka dalka ayuu sheegay iney u taalo doorashada sanadka soo socdo ka dhaceyso dalka, haddii aan la qaban Karin doorashadii la filayay ee qof iyo codkiisa.

Hoos ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com