“Waxaa dhibkan keenay federaalka” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay qaadashada nidaamka federaalka oo dowlada Xasan Sheikh Maxamuud qaadatay lana gaarsiiyay dalka imtiisa badan.

Xildhibaanka oo ka hadlayay munaasabad loogu duceynayay Wariye Axmed Cowke, ayaa aad u dhaliilay nidaamka federaalka, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu yahay mid aad u kala fogeeyay ayna ku kala qeybsamayaan, sida uu sheegay xildhibaanka.

“Nidaamka Federaalka waa mid aad noo kala qeybiyay oo nasii kala fogeynaya, federaal Soomaalida kama aysan doodin ma aysan sheegan iney qaadaneyso, dastuurka wuu ku qoran yahay, laakiin ma cadda”ayuu yiri xildhibaan Cabdi Xaashi.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa loo baahan yahay iney ka doodaan, aniga baarlamaanka ayaan ka tirsanahay doodeydana wey taagan tahay, waxaana doonaa cid kasta oo dhahaya Soomaaliya Federaal wey noqon kartaa inuu ii sheego waxay ku noqon karto”ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan Uganda kula kulmay nin Aqoonyahan ah oo daraasad bixinayay oo iisheegay in 100 wadan ka badan uu tagay, markaas baan weydiiyay dal Soomaaliya lamid ah oo federaal qaata, mana arkin ayuu igu yiri”ayuu markale sheegay xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com