Xog: Arrinta keentay dagaalkii Gaalkacyo oo aan xal rasmi ah laga gaarin

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaalkii 28-kii November ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug, waxayna xaqiiqadii isku heysteen dhismaha waddo dhexmarta magaalada oo lagu murmay qaabka loo dhisayo.

Hishiiskii ka koobnaa afarta qodob ee dhawaan lagu kala saxiixday magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu ahaa kaliya in la kala qaado ciidamada isku horfadhiyay magaalada, in dib loosoo celiyo dadkii magaalada ka barakacay iyo in gudi loo saaro waxyaabaha dagaalka Keenay.

Waxyaabaha keenay in muddo maalmo ah lagu mashquul xal ka gaarida dagaalkii magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kamid ahaa in la isku afgaran waayo waxa laga yeelayo waddada uu markii hore dagaalka qasaaraha dhaliyay ka bilowday.

Qaar kamid ah waxgaradka ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa dhaliilsan hishiiskii lagu kala saxiixday magaalada Gaalkacyo, waxayna doonayeen si dhab ah hishiis ay u wada saxiixdaan labada madaxweyne intii magaalada Gaalkacyo ay ku sugnaayeen, maadaama la siyaasadeeyay dagaalkii magaalada Gaalkacyo.

Waxaa shaki weyn laga muujinayaa in gudiga loo xil saaray arimahaasi aysan xal ka keeni karin dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo waddada la isku qabtay cidda rasmi ahaan u maamuleyso iyo in lasii wadayo dhismaha waddada.

Wax xal ah wali arimahaasi lagama gaarin, waana tan keentay in cabsi ay soo wajahdo waxgaradka magaalada oo ka baqaya in dagaal markale uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com