Sawirro: Taliyihii garoonka Boosaaso oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsanaa Ilaalada Garoonka Diyaardaha Boosaaso ayaa maanta si bareer ah u Toogtay Taliyihii Ciidanka Garoonka Diyaardaha Boosaaso Col. Xasan Shire.

Askariga ayaa baxsaday dilka kadib waxaana durbadiiba goobta gaaray Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud oo Saraakiisha iyo Ciidamada Garoonka ka wareystay qaabka uu dilka u dhacay.

Taliye Afguduud oo goobta falka ka dhacay kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Ciidamada ay Jeelka dhigeen Askar uu sheegay inay goobta ku sugnaayen xiliga uu dilka dhacaayay.

Afguduud ayaa sheegay in xariga Askartaasi 7 ah uu la xiriiro baaritaan lagu sameynaayo sababta ay u daawanayeen xiliga uu falkaasi dhacaayay.

Wuxuu sheegay in Ciidamadu ay baadi goob ugu jiraan sida gacanta loogu soo dhigi lahaa Askarigaasi oo dilka kadib halkaasi ka baxsaday.

Dilka kadib ayaa waxaa mar qura is bedelay Jawiga magaalada Boosaaso gaar ahaan Garoonka waxaana gabi ahaan Garoonka la wareegay Ciidamo ka tirsanaa ilaalada Taliyaha.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
til10

til11

til12

DSC_0336

til5

til6

til7

til8

til2

til3

DS1

DS2

DS3

DS4

DS5

DS6