Xog: Guuleed oo damacsan qorshe caqabad xun keeni doona iyo Xasan Sheekh oo is hor-taagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusein Gulleed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Gulleed uu wado qorsho uu Cadaado ku geynaayo Ciidamo AMISOM ah.

Gulleed ayaa la soo warinayaa in Madaxweyne Xassan uu ka dalbaday in Madaxtooyada Cadaado iyo Xarumaha maamulka kuwooda ugu muhiimsan laga howlgaliyo Ciidamo AMISOM ah, si ay u xaqiijiyaan amaanka Maamulka.

Ciidamada uu dalbaday ayaa la sheegayaa inay isugu jiraan Uganda, Burundi iyo Jabuuti, waxa uuna iska fogeeyay in ciidamadaasi lagu soo daro kuwa Ethiopia ee ka howlgala Somalia, bacdamaa ay tirro yar ay wali ka joogan Cadaado.
Qorshahaani ayaa la sheegayaa in Gulleed uu ugu gol leeyahay ka hortaga maleeshiyaadka Ahlusunna oo ay kala dhexeyso cadaawad Siyaasadeed kuwaasi oo hadda wada qorsho ay kula wareegayaan Cadaado.

Madaxweyne Gulleed ayaa Ciidamadaasi ka dalbaday tirro cayiman, inkastoo Madaxweyne Xassan la sheegay inuu kasoo horjeedo in Cadaado ay awood ku yeeshan Ciidamada AMISOM xili deegaanada maamulka badi yihiin kuwo amaan ah.

Sidoo kale, Gulleed ayaa Madaxweyne Xassan iyo Wasiirka Gaashandhiga DF ka codsaday in maamulka lasoo gaarsiiyo gaadiidka ay Dowlada ugu yabooheyso maamulada dalka sida kuwa Booliska iyo Cabdi-bilaha, mana jirto wax jawaab ah oo uu wali ka helay Xassan iyo wasiir Diini.

Madaxweyne Gulleed ayaa dheelaya Siyaasad fog waxa uuna awoodiisa tan iyo markii la doortay isugu geeynaayay Ciidamada iyo helida gaadiid dagaal.

Ma cadda baahiyaha xiligaani kusoo beegaya in Cadaado la geeyo Ciidamo AMISOM ah xili maamulada kale ee dalka ay DFS ka dalbanayaan in laga saaro Ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com