CC oo xilka ka qaadayawasiirka ugu muhiimsan DF Somalia, arrin sharaf dil ahna ku sammeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaam Cumar Hadliye ayaa qarka u saaran in xilka laga qaado kadib markii Ra’iisal wasaaraha Cumar C/rashiid uu go’aan ku gaaray inuu xilka ka qaado.

Wasiir Hadliye ayaa lagu eedeeyay amar qaadasho la’aan iyo inuu is dabamarin badan ku sameeyay awoodda wasaaradda arrimaha dibadda; waxayna xogt sheegeysaa in wasiirka arrimaha dibadda uu dhowr goor iska dhega mariyay amarro uu siiyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Isku dhicii ugu danbeeyay ee dhex maray wasiir Hadliye iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa ahaa markii uu wasiirku qaadan waayay go’aan kasoo baxay Ra’iisal wasaarah oo looga dalbaday inuu dib ugu soo laabto dalka kadib markii uu muddo dheer safarro dibadeed ku maqnaa, balse C/salaam Hadliye ayaa ka cudur daartay go’aanka Ra’iisal wasaaraha isagoo sheegay inuu ka qeyb galo shirka dhaqaalaha dalalka islaamka ee Turkiga ka dhacay aakhirkii bishii November.

Tallaabo adag oo uu qaatay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa keentay in Wasiir Hadliye laga soo celiyo garoonka diyaaradaha Istanbul iyagoo Muqdisho laga soo dejiyay arrintaas oo safiirka Soomaaliya loo xilsaaray, waxaana shirkaasi Soomaaliya uga qeyb galay wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/raxmaan Yuusuf Ceynte.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saaxiib dhow la ah Wasiir Hadliye ayaa ku taageeray Ra’iisal wasaaraha tallaabada laga qaaday wasiirka, waxaana la sheegay inuu ogolaaday in xilka laga qaado oo hadda la raadinayo oo kaliya qofkii lag bedeli lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com