Xog: Riyada Xasan Sheikh ma rumoobi doontaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada dalka looga arrimiyo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay qorshaha qarsoon ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xulufadiisa aay la damacsan yihiin doorashada la filayo in aay dhacdo bisha September ee sanadka 2016.

Wararkan ayaa noo sheegay in Madaxweynaha uu ku haminayay in uu helo muddo kororsi kaasoo sabab u ahaa colaadihii qorsheysnaa ee dhawaantan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa heshiis hoosaad la galay Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobee kaa soo salka ku hayo in la isku daneysto.

Madaxweynaha ayaa og in aanu marnaba ku heleyn doorasho codadka laga rabo in dib loogu soo doorto, isla markaana ku haminaya muddo kororsi, halka Cabdiwali Gaas uu og yahay in aanu heleyn in dib loo soo doorto isagoo markaa mudadiisa Puntland aay ku eg tahay sanadka 2017. Gaas ayaa raba in uu fursad u helo in uu markale isku soo sharaxo jagada madaxweynaha JFS taasoo aay dhici karto oo kaliya in uu Xasan Sheekh helo muddo kororsi.

Sida uu qoray wargeyska Africa Intelligence, ayaa waxa lagu sheegay in aanu dhicin wax heshiis ah qaabka doorashada, isla markaana Madaxweynaha iyo maamul goboleedyada aay ku hanweyn yihiin muddo kororsi (Halkan ka Akhri).

Haddii aay arrintani dhacdo ayaa waxaa ururka AU iyo urur goboleedka IGAD aay ka digeen kana cabsi qabaan in Muqdisho aay ka dhacdo dibad baxyo looga soo horjeedo muddo kororsiga. Qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, xisbiyiyada iyo siyaasiin badan ayaa waxaa aay hoosta ka abaabulayaan dibad baxyo ka dhan ah muddo kororsi.

Arrintan ayaa waxaa ka war helay inta badan waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya, taas ayaana keentay in wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya David H. Kaeuper uu shalay booqasho ku yimaado Muqdisho halkaasoo uu la galay shir aay albaabada u xiran yihiin Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh.
Arrimihii laga wada hadlay ayaa waxaa ugu weynaa in aanay dhaceyn muddo kororsi iyo in Xasan Sheekh uu ka fiirsado xiriirka uu rabo in uu la galo Shiinahaha.

Xiriirka siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo Dowladda Mareykanka oo mudadan danbe aad u sii kala fogaanayay, ayaa waxaa haddana dib u sii hurinaya la kulanka Xasan Sheekh uu la kulmay madaxweynaha dalka Shiinaha usbuucii hore, iyadoo Shiinuhu uu ballan qaaday in Soomaaliya uu ka hirgelin doono mashaariic horumarineed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com