Sawirro: Korea oo gaadiid qurux badan siisay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Koonfurta Korea, ayaa gaadiidka aan xabadu karin ugu deeqday DFS.

Gaadiidka ayaa ka kooban 4 waxaana loogu tallo galay in DFS ay u adeegsato isticmaalka booqashada martida shisheeye xiliyada ay u socdaalayaan goobaha halista ah.

Ujeedka gaadiidkaani ayaa lagu sheegay in sidoo kale DF ay u adeegsan doonto ku galbinta Madaxda ajaanibta ah xiliyada ay martida u yihiin Dowlada.

“Gaadiidkan ayay dowladu u adeegsan doontaa martida shisheeye ee dalka soo booqata, waxa ayna qayb ka noqon doonaan dadaalo ballaaran oo Wasaaradda Arrimaha Dibada Somalia lagu qalabayn doono, laguna tayayn doono habsami u socodka shaqo iyo shaqaale.”

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia waxa ay uga mahadcelinysaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Korea deeq ka kooban afar gaadiid oo ah nooca martida oo loogu deeqay Waaxda Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda.”

Korea1Korea2Korea3Korea4Korea5Korea6