Boorsaani oo durba dhaqaale la’aan ka cabanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Boorsaani oo ka hadlaayay dhaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulka uu beeninaayo wararka la xiriira in dhaqaalaha ugu badan dalka uu yahay mid ku jira gacanta Maamulka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in eedeymaha ugu badan ay kala kulmaan maamul goboleedyada dalka, waxa uuna sheegay in iminka uu cadeynaayo in dhaqaale uusan yaalin Gobolka.

Waxa uu sheegay in inta badan dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kan Gobolka laga helo dhanka Beesha Caalamka taasina ay muujineyso in maamulka Gobolka uusan aheyn mid ku tiirsan dhaqaalaha Xamar.

Sheekh Yuusuf waxa uu sidoo kale sheegay inuu codsanaayo in baaritaano lagu sameeyo meelaha ay dhaqaalaha Gobolka kasoo xaroodan, si uu yiri loo aamino in Maamulka uu yahay mid isku celcelinaayo dhaqaalaha yar ee kusoo dhaca gacanta maamulka.

Sidoo kale waxa uu beeniyay in maamulka uu Muqdisho kawada uruuriyo dhaqaale, waxa uuna cadeeyay in qeybo kamid ah kaliya laga qaado canshuurta, halka goobaha kale ay yihiin kuwo aan wali la xaqiijin amaankooda.

Dhanka kale, Sheekh Yuusuf waxa uu DF iyo Maamulada Gobolada dalka ugu baaqay inay ku qancaan xaqiiqda taagan waxa uuna ku taliyay in xili waliba garab lasiiyo maamulka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com