Xog: Maxaa Villa Somalia ka socda oodan ogeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jawi mashquul ah uu ka jiraa xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, kadib markii halkaasi ay isku uruursadeen Madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Waxaa saacadihii ugu danbeeyay halkaasi ka socday shirar kala duwan oo u dhexeeyay madaxda dalka, kaasi oo looga hadlaayay arrimaha Siyaasada iyo mugdiyada ka dhex jira DFS iyo maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Xassan ayaa la soo warinayaan in kulan wada jir ah uu la qaatay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo uu kala hadlaayay dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo iyo sida ay DFS uga danqatay.

Madaxweyne Xassan ayaa inta kulankaasi uu socday C/kariin Gulleed iyo C/wali Gaas kala hadlay in laga gudbo xiriir xumida ay isku muujinayaan waxa uuna sheegay in dagaal dhexmaraa labada maamul uusan ku burbureynin dadaalkii ay DF u fidineysay labada dhan.

Xassan Sheekh ayaa halkaasi mar kale ku heshiisiiyay Gulleed iyo Gaas, isaga oo ka duulaaya kaalinta uu ku lahaa xalinta colaada labada maamul ee uu ka gaabiyay.

Sidoo kale waxa uu Xassan Sheekh C/wali Gaas ka dalbaday inuu u hogaansamo talooyinka DFS si meesha looga saaro amar ku taagleyn iyo Colaad siyaasadeed oo soo laalabata.

Waxa uu ka dalbaday is cafis iyo in laga gudbo aragtiyada kala duwan oo ay ka qabaan Siyaasada, waxa uuna usoo jeediyay in wax waliba uu tabanaayo uu si hoose kala hadlo iyada oo aan shacabka la dareensiin colaad amaba guux colaad abuuri kara.

C/wali Gaas ayaa soo dhaweeyay hadalka Xassan Sheekh waxa uuna ballanqaaday inuu u hogaansami doono xalinta colaad waliba.

Kulanka Xassan Sheekh iyo mas’uuliyiintaasi ayaa kusoo dhamaaday guul, waxaana lagu wadaa in Xassan uu kulamo kaasi lamid ah la qaadan doono Shariif Xassan iyo Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com