Shariif Xasan iyo Ogaadeen oo ay ka tafan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – iyadoo lagu dhawaaqay inka badan 80 xildhibaan oo kamid ah baarlamanka maamulka koofur galbeed ayaa waxaa warar hoose oo aan heleyno waxay sheegayaan in maamulka Shariif Xasan uusan qancin beelo daga degmooyin ka tirsan gobolka Bakool.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wali aan la qancin odayaasha dhaqanka ee daga deegaanada gobolka Bakool gaar ahaan Yeed iyo degmooyin kale kuwaasi oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen kana mid ahaa dadkii caqabada ku noqday dhismaha baarlamaanka maamulka Shariif Xasan.

Xildhibaanada lagu dhawaaqay ayaa gaaraya 89 xildhibaan, waxaana sida qorshaha  uu yahay la doonayaa in la gaarsiiyo ku dhawaad 95 mudane, sida aan kasoo xiganay xubno kamid ah waxgaradka soo xulaya baarlamaanka maamulkaasi,

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda Yeed iyo odayaasha degmada Yeed ayaa si adag kaga soo horjeestay xubnaha baarlamaanka ee la dhisay waxayna sheegeen ineysan ku qanacsaneyn qaabka xildhibaanada loosoo xulay.

Lama oga in Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ugu talo galay inta xildhibaanada ka dhisman uu ku qanciyo beelaha kasoo jeeda gobolka Bakool gaar ahaan beesha Ogaadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com