Xog: Maxaa Xamar loogu hayaa C/fataax Xasan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa weli ku sugan magaalada Muqdisho taasoo qeyb ka ah qorshe la doonayo in mas’uulkan looga cafiyo kiis ku saabsan dilka Mahdi Xuseen Sheehaaloow oo xiisad weyn ka abuuray magaalad Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye C/fataax ayaa Muqdisho loo keenay baaritaan lagu sameynayo kiiskaasi iyadoo warar kala duwan ka soo baxeen arrintan ayaa xogta laga helayo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ay sheegeysaa in Muqdisho uu ku joogo qaab maadasho siyaasadeysan inta beesha sarkaalka laga dilay laga qancinayo, taasoo loo xilsaaray Ugaaska Beesha iyo odayaal kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u fara geliyay kiiska lagu heysto Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan wuxuuna xeer ilaalinta oo kiis u diyaarisay si dacwadiisa loo bilaabo amray inay joojiso dacwadaasi, isla markaana guddoomiyaha aan wax dacwad ah loo raacin iyadoo ay xiran yihiin ciidamo 9 askari ah oo ka mid ahaa ilaalada guddoomiyaha.

C/fataax Xasan Afrax ayaa Muqdisho hadda ku sugan ku dhowaad 3 toddobaad, iyadoo uu awoodi waayay inuu xilkiisa guto una laabto xarunta maamulka Gobolka ee magaalada Beledweyne. Ciidamada taabacsan guddoomiyaha ayaa dhowaan xirtay wadooyinka Beledweyne iyagoo dalbaday in guddoomiyaha lagu soo celiyo shaqadiisa laakiin waxaa arrintaasi xaliyay odayaasha beelaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com