Axmed Madoobe: Puntland waa ku qasban tahay inay aqoonsato maamulka Galmudug + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Islaam) ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay qasab ku tahay Aqoonsiga Maamulka jaarka la ah ee Galmudug.

Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay Puntland inay tahay Maamul Goboleed dhisan 18 sano, islamarkaana laga doonaayo Maamulada dhismaya inay aqoonsato, lana shaqeyso.

“Puntland waa dowlad gobaleedkii ugu horeeyay 18-sano ayeey jirtay, waxaa laga rabaa inay cid kasta oo gadaasheed dhalatay inay gardaadiso oo horumarka iyo guusha kusii wado, waa qasab Galmudug inay la shaqeyso walaalahooda Puntland u aqoonsadaan dowlad gobaleed iyaga ka horeeyay lana shaqeeyaan, Puntland waxaa qasab ku ah inay aqoonsato maamulka deriska la ah ee Galmdug, la shaqeynaya ay wax ka dhaxeeyaan oo aanay noqon inay iska indha saari karayso, qolo walba waxaa la rabaa inay qaadaan wadada dhabta ah ee ay leeyihiin” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay wada shaqeyn dhexmarta Maamulada Galmudug iyo Puntland inay tahay wadada horumarka Somaliya iyo Hanaanka Nabadda.

Isaga oo hadalka siiwata Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxa uu sheegay Khilaafkii u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed in si hoose loo xaliyay.

“Waxaan u maleynaa Jubbaland ayaa ugu badneyd waxa hadda la jiid jiido, iyadana kasoo gudubnay, waa dhaweyd Shariifka ayaa wax sheeganayay isagana hoos baan uga heshiinnay” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe.

Maamulka Puntland ayaa weli ku adeysanaya inay diidan yihiin Aqoonsiga Maamulka Galmudug ee lagu dhisay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com