Sawirro & xog laga helay Soomaaligii weeraray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa ruux maalinimadii Axada dad badan ku weeraray toorey xili ay ku sugnaayen xarun tareen oo ku taalla xaafada Leyton ee bariga magaalada London.

Booliska iyo Sirdoonka dalkaasi ayaa sheegay in muwaadinkaasi uu ahaa Somalia laguna magacaabo Muxyadiin Mire da’adiisuna tahay 29 jir.

Booliska waxa uu sheegay in asbuuc un ka hor ay heleen xog ku saabsan Muxyadiin Mire, waxa ayna sheegen in Nin ay walaalo yihiin Muxyidiin uu kusoo wargaliyay xaalada Muxyidiin oo uu ku sheegay in xaaladiisa maskaxeed aysan wanaagsanayn laga soo bilaabo sanadkii 2007.

Ehelada Muxyidiin waxay sheegeen in Muxyidiin u go’naa tikidh diyaaradeed oo ay ahayd in maalinamada Axada ah loo qaado Somalia oo ay hooyadiis joogto.

Qaar kamid ah jaraa’idyada Britain ayaa sheegay in Muxyadiin ahaa taksiile ushaqayn jiray shirkada UBER.
Muxyadiin Mire ayaa habeenimadii Axada soo galaysay boolisku qabtay kadib markii uu tooriyeeyay dhowr ruux oo mid kamid ah uu si xun u dhaawacay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
mire

mire2

mire3