Puntland & Galmudug oo qarka u saaran dagaal

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa sheegaya iney halkaasi ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeyso maamulada Puntland iyo Galmudug.

Xiisada ayaa la sheegayaa iney ka dambeysay markii ciidamo badan oo maamulka Galmudug ka tirsan ay tageen meel aan ka fogeyn deeganada Towfiiq oo ka tirsan gobol;ka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Puntland dhankeeda ay ciidamo badan soo dhigtay deegaanka, taasi oo abuurtay cabsida ah in markale ciidamada Puntland iyo Galmudug ku dagaalamaan deegaanka.

Wasiirka amniga maamulka Puntland Mr Cabdi Qarjab oo warbaahinta Puntland la hadlay ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay wadaan daandaansi dagaal oo ay ku hayaan shacabka deegaanka Towfiiq.

Deegaanka ayuu sheegay iney difaacayaan ciidamada amaanka ee maamulka Puntland, wuxuuna ka digay waxyaabaha ka dhasha xiisada deegaanka ka taagan iney qaadan doonaan Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka Galmudug maadaama la sheegayo iney ciidamo badan geeyeen deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug.

Caasimada Online
xafiiska Mudug
Caasimada@live.com