Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa sheegay inuu ka walwalsan yahay sida ay noqon doonto xaalada Somalia haddii ay dhacdo in la baal-maro Heshiisyadii la wada gaaray.
Gaas waxa uu sheegay in xiligaani la jooga ayuusan cabsi ka qabin in Dowlada Somalia ay baal-marto heshiisyada iyo inay ku dhaqaaqdo wakhti kororsi, waxa uuna tilmaamay in walaaca ugu weyn ee heysta uu yahay halka ay Somalia cagta dhigi doonto haddii aan si wacan loo dhaqangalin Heshiiska.
“Anigu waxaan ka cabsi qabaa in Soomaalida isku soo dhawaaneysa ay sii kala fogaadan. waayo dalka waxa uu iminka ku talaabayaa isbedel waxaana lama huraan ah in wax waliba loo dhaqangaliyo sidii loogu tallo galay”.
“Puntland waxa ay dooneysaa in sharciga ay dhowrto, waxa ay ka fogaaneysaa in Soomaalidu ay dib u qaatan qoriga oo ay burburiyaan rajadii laga qabay dalka, waxan qabaa in dhibaatadaasi oo idil looga gudbikaro inaan ilaalino sharciga haddii kale waxaan dib ugu laabaneynaa sanadihii ina dhaafay”.
“Wey adag tahay in Soomaalidu ay dhowrto sharciga, balse waxaa kasii daran shaqsiga loo dhiibo mas’uuliyada ee isku daya inuu musuqo wakhtiga iyo in Somalia uu gaarsiiyo horumar iyo cadaalad”
C/wali Gaas, ayaa ka digay in Dowlada Somalia ay marin-habaabiso sharciga iyo Heshiisyada, waxa uuna ku taliyay inaan dib loo dhigin doorashada.
Puntland ayaa kaalinta koowaad kaga jirta mucaaradnimada Somalia, waxa ayna inta badan is hortaag ku sameysaa rajooyinka Somalia, inkastoo waxyaabaha qaar ee khaladaadka Dowlada muujinaayo ay sabab u noqoto Puntland in dib loo saxo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

