Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa ka hadlay dadaalka uu ugu jiro in Caasimada dalka ay hesho xuquuqda siyaasadeed ay leedahay.
Boorsaani waxa uu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir marnaba uusan ka gaabin doonin in magaalada Muqdisho ay yeelato maqaamkeeda islamarkaana hesho Xuquuqdeeda.
Boorsaani waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed kuwooda ku dhaqan magaalada Muqdisho ay si hagar la’aan ah ula qeybsan doonaan dareenkooda ku aadan in magaalada Muqdisho ay hesho xuquuqdeeda Siyaasadeed.
Boorsaani waxa uu shacabka magaalada Muqdisho ku booriyay inay laba jibaaraan dareenka ay ku raadsanayaan xuquuqdooda, waxa uuna taasi ku daray in mar waliba ay garab istaagan yihiin shacabka.
Geesta kale, Boorsaani ayaa sheegay in qadiyada Gobolka Banaadir ay tahay mid muqadas ah oo aan laga aamusi karin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

