Nairobi (Caasimada Online) – Kulan ballaaran ayaa waxa uu ka dhacay Aqalka looga arrimiyo dalka Kenya kaasi oo looga hadlaayay Arrimaha Somalia.
Kulanka ayaa u dhexeeyay Madaxweynaha dalkaasi Uhurro Kenyatta iyo 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ee QM, waxaana kamid ahaa waxyaabaha looga hadlay Samata-bixinta Somalia, go’aanka lagu xiraayo xerooyinka qaxootiga iyo kaalinta Ciidamada Kenya ee Somalia.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid lagu dabiibaayo go’aanka ay ku xiri lahaayen xeryaha qaxootiga.
Kenyatta waxa uu sidoo kale sheegay in Xubnaha Golaha Amaanka QM ay si fog uga wada hadleen xaalada Somalia, waxa uuna sheegay inay isla meel-dhigeen in arrimaha cakiran ee Somalia leyska kaashato.
Guddiga ayaa waxaa hogaaminayay madaxweynaha gudiga ahna safiirka dalka Masar ufadhiya qaramada midoobay Amir Abdellatif Aboulatta.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA





