Gaas: Xamar laguma heshiin, mana yeeleyno 4.5

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland ayaa dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo kadib markii uu magaalada Muqdisho uga qeyb galay shirarkii Hiigsiga cusub iyo Mashada Qaran ee qaabka doorashooyinka dalka la dhici doona 2016.

Gaas Wuxuu sheegay mowqifka Puntland ee ahaa in dalka doorashadu uga qabsoonto hab degaan in ay wali ku taagan yihiin kana soo horjeedaan 4.5-ka, ayna helaan shacabka metelaad dhab ah oo laga gudbo qaabka qabiilka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay warmurtiyeedkii 16 bishan laga soo saaray shirka Xamar ayaa sheegay inuusan ahayn hishiis balse lagu cadaynyay arrimaha laga wadhadlay, wuxuuna si cad u sheegay inuusan hishiis la gaaray.

“Reer Puntland haddii aan nahay, waxaan qabnaa in haddii la kala aragti duwanaado ay aqlabiyaddu shaqeyso, sidaas si lamid ah ayaa muhim ah in la ilaaliyo kuwa aan aqalbiyadda haysan” ayuu yiri Gaas.

Wuxuuna intaas ku daray 90% dadka Soomaaliyeed ay u socdaan in laga gudbo 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com