Xog: Xasan iyo Mudulood oo isku raacay qorshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan weyn oo lagu mideeyay aragtida beesha Mudulood ee dhinaca siyaasadda dalka iyo xaalada kala guurka ah ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay xarunta madaxtooyada Vill Somalia ee magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiin, waxgarad, odayaasha dhaqanka iyo dhinacyada kala duwan ee Beesha ayaa kulan la qaatay madaxweyne dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana kulankaasi looga hadlay go’aan mideysan oo beeshu ka qaadatay xaalada dalka iyo qaabka doorashada 2016.

Kulanka oo ay ka horeeyeen shirar kale oo looga dooday arrimo la isku qabtay oo beesha soo dhex galay ayaa xalay la isku raacay in guud ahaan khilaafkaasi lasoo afjaro, waxaana kulanka ka hadlay waxgarad iyo siyaasiyiin hore oo ay ka mid yihiin Cali Maxmed Geedi, Muuse Suudi Yalaxow, Salaad Cali Jeelle iyo siyaasiyiin fara badan, waxa kaloo ka hadlay odayaasha iyo waxgaradka Beesha.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka ku soo xiray khudbad socotay in ka badan 2 saacadood oo waqti danbe lagu gaaray ayaa si qoto dheer uga hadlay xaalada dalku marayo iyo xilliga kala guurka oo dhibaato badan lagala kulmay in la helo aragti lagu mideysan yahay.

Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin koox iyo beel gooni ah oo keligeed nidaam u dejin karta dalka ama keligeed xilalka sare ee dalka qaban karta, balse loo baahan yahay is baheysi Soomaaliyeed oo isku aragti ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com