Dagaal ka qarxay Kismaayo iyo xiisad ka taagan!

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta magaalada uu ka dhacay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii xabsiga laga sii daayay taliyaha ciidamada booliska ee Kismaayo.

Waaberigii saaka ayaa waxaa xabsi uu ku jiray kuna yaala madaxtooyada Kismaayo laga sii daayay taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Kismaayo, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku jiray xabsiga ku yaala madaxtootada.

Sii deynta sarkaal Gaboobe ayaa waxaa ka dhalatay xiisad dagaal oo sababtay weerar in lagu qaado guriga uu sarkaalkaasi ka deganaa magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in la dilay askari ka tirsanaa ilaalada Gaboobe.

Wararka lagu qaaday korneyl Gaboobe ayaa ka dambeeyay markii ciidamada ka tirsan maamulka Jubbaland la sheegay iney ka caroodeen dil 16 maalin ka hor magaalada Kismaayo loogu geystay askari ka tirsanaa ciidamada Jubbaland.

Xiisad ayaa wali ka taagan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ku saleysan dhanka qabiilka, laakiin xaalada magaalada ayaa hadda ka yara wanaagsan sidii markii dagaalka dhacayay aheyd.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com